Puntland: Qiimaha lacagta dollar oo hoos u dhacay

Qiimaha lagu kala sarifanayo $1 dollar ayaa hoos u dhacay, waxaana sara u kacay qiimaha Lacagta Shilinka Soomaaliga deegaanada Puntland.

$1 dollar ee lacagta Mareykanka ah ayaa lagu kala badalanayaa 40 Kun oo Shilinka Soomaaliga, halka uu horey u ahaa 48 – 50 kun oo Shilinka Soomaaliga ah.

Talaabadan ayaa ka dambeeysay kaddib go’aano kasoo baxay Dowladda Puntland oo wax looga qabanayo Sicir-barar ku yimid Lacagta Shilinka Soomaaliga, oo sababay mudaharaadyo ka dhacay Magaalooyinka waa weyn ee Puntland.