Ajandaha shirka SPF Ee ka furmay Muqdisho

Ajandaha shirka berri ee ka furmaya Muqdisho.

Shirka Somalia Partnership Forum, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa furi doona.

Shirku waxuu iskugu jiraa mid toos looga qeyb galayo iyo mid dhanka muuqaalka Zoomka looga qaybgalayo.

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa kaga qaybgeli doona Zoom-ka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland,ayaa uga qayb gali doona dhanka Zoomka.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor oo Muqdisho joogay,ayaa lagu yiri Dhuusamareeb tag si Beesha caalamka loo tuso cida Shirka ka maqan in aysan ahayn oo kaliya Puntland iyo Jubaland.

Jibril Qoobey.