Beesha caalamka oo Deni cadaadis saaraysa

Safaarada Uk oo wakiil ka ah Beesha caalamka,ayaa lasoo xiriirtay Madaxweyne Deni.

Safaaradu waxay Madaxweynaha ka xog waraysatay laba arimood oo kala ah…

1.Magacaabistii Gudiga doorashada ee heer Puntland.

2.Doorashada guud ee Fadaraalka Somaliya.

Deni waxuu xasuusiyay beesha caalamka in ay ku balameen qodobo magacaabista Gudiga ka hor…

Qodobada Deni ku xiray magacaabista Gudiga doorashada ee heer Puntland,ayaa kala ahaa..

B.In Gedo looga danbeeyo Axmed Madoobe.

T.In Gudiga Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi dib loo saxo.

J.In Doorashadu noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Dood dheer kadib beesha caalamku waxay ka codsatay Deni in uu hormuud ka noqdo socod siinta doorashada oo uu qaato doorka hogaaminta dalka ee maqan.

Beesha caalamku waxay walwal weyn ka qabtaa dib udhaca doorashada iyo hogaan la’aanta jirta.

Jibril Qoobey.