Gudiga heer Fadaraal ee aan loo dhamayn oo soo saaraya Jadwalka doorashada

Guddiga doorashada heer Federaal oo aysan qaybta ka ahayn Puntland iyo Jubaland ee shalay iska doortay Guddoonka,ayaa qorsheynaya in ay soo saaraan Jadwalka doorashada Senatarada Aqalka Sare.

Ilo ku dhow dhow Guddiga,ayaa sheegaya in maalmaha soo socda hirgelinta Jadwalka doorashada Senetarada Aqalka Sare laga bilaabi doono Maamulka Koonfur-galbeed.

Puntland,Jubaland,Hir-shabelle iyo Galmudug ilaa iyo hada kama muuqato ifafaalo doorasho.

Musharaxiinta Doorashada waxay dhankooda soo saareen Gudiyo.

Jibril Qoobey.