Puntland iyo Beesha caalamka oo isku khilaafay xasaanad ka qaadistii Xildhibaanada

Muran xoog badan,ayaa dhexmaray Puntland iyo Beesha caalamka maalmihii lasoo dhaafay.

Murankaas waxuu ku salaysnaa Xildhibaanadii lagala noqday xasaanada ee 8-da ahaa.

Wakiilada Beesha caalamku waxay usoo gudbiyeen Puntland dareenkooda,kaasoo ay ku sheegeen in ay u arkaan wado aan sax ahayn in loo maray Xasaanad kala laabashada Xildhibaanadaas.

Dowlada Puntland,ayaa hadalka Beesha caalamka ku gacan sayrtay kuna dooday in aysan sharciga ka talaabsan.

Beesha caalamku ma siiso Puntland dhaqaale toos ah oo ay ku taageerto Baarlamaanka,Madaxtooyada iyo Ciidanka.

Saamaynta ugu weyn ee hadalka beesha caalamku ku yeelan karo Puntland waa nidaamka Xisbiyada badan oo taageero dhaqaale looga rabo.

Balse Puntland waxay bilowday hawlgalinta aqoon yahan dhawr ah oo galgal ku dhex leh Beesha caalamka.

Jibril Qoobey.