Guddiga Badbaadinta doorashooyinka qaran ayaa maanta yeeshay kulan ka mid ah kulamdoodii caadiga ahaa. Guddigu wuxuu dhamystiray guddiyadiisii, wuxuuna xubnaha u qaybiyay shaqooyin.

Guddigu, wuxuu caddaynayaa in Murashixiintu diyaar u yihiin doorashooyin xor ah oo xalaal ah isla markaasna waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii doorashooyinka.

Sida ku cad dastuurka qodobkiisa 111G guddiga doorashadu waa inuu ka madaxbanaanaado Hey’adaha Fulinta. Doorashadu waxay u dhexaynaysaa murashaxiinta ee uu ka mid yahay Madaxweynaha xukunka haya sidaa daraadeed waa in labada dhinacba ku kalsoonadaan guddiyada si wadanku doorasho u aado.
