Khudbadii Safiirka Ingiriiska oo taabatay damiirka Somalida

Safiirka Ingriiska: Khubaddii uu ka jeediyey Shirkii Somalia iyo Beesha Caalamka (Somali Partnership Forum 7 December 2020) Ambassador Ben Fender oo ah Safiirka UK u fadhiya Soomaliya waxay ahayd tilmaan culus.

Wuxuu soo qaatay nin Philosopher ahaa oo ka hadlay xaaladda waddanka Ingriisku ku suganaa 400 sano ka hor. Ninkaas oo la oran jiray Thomas Hobes ayaa wuxuu la yaabay colaadaha, dagaalada sokeeye, burcad badeedka, heshiis la’aanta iyo Amni darada wakhtigaas ka jirtay Waddanka Ingriiska.

Wuxuu yiri: ma arki doonaa UK oo nabad ah, warshado leh, dhisata guryo dhaadheer, beero waa weyn oo baahida daboola iyo Amni la isugu socdo dalka gudihiisa.

Safiirku wuxuu yiri: Aad uma aanan fahmin in sida philosopherku sheegay wax noqon karaan ilaa aan Soomaliya imid oo aan ku arkay:

  1. Nabad la’aan
  2. Colaad joogto ah (the war of all against all)
  3. Dad aan heshiis ahayn ( each against all)
  4. Dhaqaalo aan lahayn
  5. Caafimaad aan lahayn
  6. Maamulo aan heshiis ahayn

Soomaaliya dhibkaas ku habsaday waxaa ka rogi kara “Siyaasadda iyo Amniga oo lagu Heshiiyo”.

BDM