Video:-Safiirada reer Galbeedka oo fariin duur xul ah udiray Farmaaj

“Ben Fender, the British Ambassador to Somalia quoted philosopher Thomas Hobbes to highlight his points”

“Waxaa jiray Nin Filasoofi ahaa 500-sano ka hor ku noolaa Dalka Ingiriiska,Ninkaasi markuu ka yaabay Bulshadii Ingiriiska ahayd waagaas dhaqamadoodii iyo kala dhicidoodii Digirtii iyo Baradhadii ay beeran jireen,ayaa yiri..Mar arki doono Dal Ingiriisa oo Calankoodu babanayo,Sara dhaadheer dhisanaya oo Mashaariic samaysanaya,,, hada sheekadaas mid la mid ah,ayaan ku arkay Somaliya oo isoo xasuusisay Sheekadii Filasoofi Thomas”Ayuu yiri Fender.

Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri”Siyaasiga Somaligu waa danayste tiisa ilaalsada, mana jirto Dowlad dhexe oo Dowlad Goboleed uturaysa”

Sidoo kale Safiirka Sweden,ayaaa ka yiri Shirkii SPF”Waa daalnay oo waa idinku daalnay hadaan nahay beesha caalamka”

Safiirka Maraykanka,ayaa dhankiisa udigay Madaxda Somalida..”Waa in uu fulaa heshiiskii horay loo wada galay sida ugu dhakhsiyaha badana loo kulmaa”

Hadaladan adag waxay kusoo aadayaan,iyadoo ay fashilantay doorashadii dalka,taasoo ay ahayd in beri oo Bishu 10 ay tahay la bilaabo.

Dhamaan hadaladaas kulul waxay fariin u yihiin Madaxweyne Farmaajo.

Halkan ka daawo nuuqaalka

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10158880278611878&id=742346877