Ciidamada Badda Puntand oo ka cayrshay Alshabaab Buuraha Calmadow

Ciidamada Badda Puntland waxay ka cayriyeen Alshabaab Deegaano maalmihii lasoo dhaafay ay kusoo noqnoqdeen.

Howl-galkan oo ay fuliyeen ciidamada badda Puntland kuwooda la dagaalanka argagixisada ayaa ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

Deegaanada ay Ciidamadu ka cayriyeen Alshabaab,ayaa kala ah Xidid iyo Milxo oo hoos yimaada Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Ciidamada,ayaa ku raadjooga saddex qof oo Al-Shabaab ay ka afduubteen Deegaamadaas, kuwaas oo ahaa Macdan qodayaal.

Jibril Qoobey.