Farmaajo udiray Masar Wasiirudowlihiisii Madaxtooyada

Farmaajo waxuu udiray Masar Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Khaliif.

Ilo wareedyo,ayaa sheegaya fariinta uu siday Xasan Khaliif in ay tahay wada hadaladii Imaaraadka Carabta oo dowladda Farmaajo danaynayo in dib loo soo nooleeyo.

Sida muuqata Farmaajo waxuu argagax ka qaaday abaabulka Masar ee musharaxiinta Doorashada,waxuuna isku dayayaa in uu tanaasul muujiyo.

Masar,ayaa xilligan door weyn ka ciyaaraysa doorashada Soomaaliya, waxaana dhowaan Qaahira tagay qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynayah iyo Siyaasiyiin.

Masuuliyiin hada xil haya,Siyaasiyiin iyo Musharaxiinta Masar tagay lana soo kulmay madaxda dalkaas,ayaa kala ah, Madaxweyne Deni,Xasan Shiikh, C/raxmaan C/shakuur, Daahir Geelle,Cumar C/rashiid.