Video:-Ruushka oo Saldhig Ciidan ka samaysanaya Sudan

Heshiisku wuxuu dhigayaa in saldhig milatari ay ciidamada badda Ruushku ka samaystaan Sudan, saldhigaas oo ay ku soo xidhan karaan maraakiibta dagaalka ee ku shaqeeya tamarta nukliyeerka.

Saldhiggaa cusub ee lagu wado in laga dhiso meel u dhaw dekadda Port Sudan, ayey ka hawl gali doonaan ilaa 300 oo qof oo milatari iyo rayid iskugu jira.

Sidoo kale waxa saldhiggaa markii keli ah ba ku soo xidhan karan afar markab.

Saldhiggan waxaa loo adeegsan doonaa hawlaha dayactirka iyo in ay maraakiibku ka qaataan shidaalka iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin iyo sidoo kale in ay ku nastaan ciidamada badda ee Ruushku.

Xukuumadda Sudan ayaa dhulka laga dhisayo saldhigga ku bixinaysa bilaash, waxaanay Moscow xaq u yeelan doontaa in ay keento saldhigaas hubka iyo saanadda nooc kasta oo ay doonto ee saldhiggaasi u baahan yahay oo ay ka soo dejin doonto madaarada iyo dekadaha Sudan.

Mudada heshiisku waa 25 sanadood oo ay suurtogal tahay in lagu dari karo sannado kale oo dheeraad ah hadii labada dhinac ku heshiisyaan.

Sidoo kale xukuumadda Sudan waxa loo ogolaan doonaa in ay saldhiggaa la isticmaasho Ruushka,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka