Warbixinta Hanti dhawrku waxay Tusaale utahay musuqa Somaliya lagu sheego

Warbixinta uu soo saaray xafiiska Hantidhawraha Guud, waxa ay tusaale cad ka bixisay sababta aan kaalinta koowaad ee musuqa dunida ugu jirno. Muqaal dhab ah ayay naga siisay warbxintu sida musuqa, ku takrifalka awoodda iyo baalmaridda sharciga ay astaan lagu aqoonsado u tahay nidaamka uu hoggaamiye Farmaajo.

Waribixinta qaybteeda dulmarka guud, waxaa lagu xusay in hay’adaha Dowladda 55% aanay soo gudbin warbixin sanadeedkii laga sugayay, taasoo ka dhigan in 55% aanay wax xisaab celin ah ka sameyn miisaaniyaddii la qorsheeyay iyo qarashaadkii dhab ahaan u baxay 2019-kii.

Xafiisyada aan soo gudbin xisaab celinta, waxaa ka mid ah xafiiska Madaxwaynaha, oo baarista Hantidhawrka lagu ogaaday in aanu laheyn habraaca iyo siyaasad lagu maamulo hantida, isla markaana uu galay heshiisyo lagu qiimeeyay $299,611.25 Dollar. In xafiiska Madaxwaynaha loo maamulo hab sharciga baalmarsan, xafiiska Hantidhawrkuna caddeeyo, waxa ay tusaalayn u tahay in madaxwaynuhu ku kacay musuq iyo ku takrifal awoodeed taas oo ka hor imaaneysa waajibka dastuuriga ah ee saaran, kuna xusan qodobka 87-aad ee Dastuurka KMG, oo ah in uu xilkiisa u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

In madaxtooyadu u maamusho hantida qaranka si baal marsan sharciga waxay horseeday in hantida qaranka ee loogu talagalay u adeegidda Ummadda looga shaqeeyo dano gaar ah, sida in Baraha Bulshada lagu aflagaaddeeyo siyaasiyiinta ama doorashada loo adeegsado illeen awood aan sharci hagin waxa ay keeni kartaa musuq iyo kali-talisnimo.

Waxaa kale oo ay warbixinta Hantidhawraha ay xaqiijisay in Hay’adda NISA ay bixisay lacag dhan $1,219,276 Dollar -oo loo qorsheeyay hawl-maalmeedkeeda- iyada oo aan caddameyn loo heyn. Sidoo kale waxa ay gashay heshiisyo lagu qiimeeyay $1,343,812 Dollar, oo aan loo marin habraacii sharciga ahaa, lagana diiwaan galin Xafiiska Hantidhawraha. Intaas waxaa dheer in aan la diyaarin sharci haga Hay’adda NISA, taas oo keentay in hay’addu noqoto mid ku dhex milanta siyaasadda, una adeegsata kharashkii oogu talagalay sugidda amniga dano gaar ah.

Baarista uu sameeyay Xafiiska Hantidhawraha, haddii ay ka soo ifbaxdo arrin muujinaysa dambi dhinaca maamulka hantida ah, waxaa saaraan waajib ah in dadka ku takrifalay hantida Dowladda, una maamulay sida ay iyagu donaan in uu si deg deg ah dacwad ugu gudbiyo Xafiiska Xeerilaaliyaha guud si waafaqsan qodobka 15-aad ee sharci lambar 34(sharciga Hantidhawraha Guud)soona baxay 1972-dii. Balse sida ka muuqata warbixinta hanti dhawraha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud oo isaga loo idmaday kor joogtaynta in si sax ah loo dhaqan galiyay sharciga sida ku cad qodobka 8-aad ee Sharci lambar 3 Xeerka Nidaamka Garsooka ee 1962 ayaa isaguna aan soo gudbin warbixin maaliyadeedkii looga fadhiyay, galayna
hashiisyo aan laga diiwaan galin Xafiiska Hantidhawraha guud. taas oo adkeynaysa in uu guto waajibka qaran ee saaran, meeshana ka saaraysa in la helo kalsooni keeni karta gudashada waajibkaas.

Waa halkii Hibo Nuura iyo Cabdi Muxumed ( Doc kastoo la eegoo nolasha dunidu waa dabkee, hadduu dabkii dhaxmoodo maxaa lagu diiriyaa?) Ruux haddii la doorotoo, darajadii la saariyo, xilkii daryeeli waayaa, dab dhaxmooday weeyee, waa su’aal da’weynoo, madaxa daalinaysee, wixii lagu diirinayoo dadwaynahaa la waydiin. ).

Guud ahaan warbixintaan waxa ay si dhab ah u iftiimisay baahida dhabta ah ee loo qabo in la helo is beddel horseeda sarreynta sharciga iyo ilaalinta hantida Qaranka.