Musuqa Wasaarada Caafimaadka Puntland oo karkaarka jabsaday

Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland waxay maanta Dawooyin loogu tala galay ka jawaabista duufaanihii ku dhuftay qaar kamid ah Gobolada Puntland kala wareegtay hay’adda caafimaadka Aduunka (WHO).

Agaasimaha Guud ee W.Caafimaadka Cabdirisaaq Xasan Xirsi,ayaa la wareegay Dawadan.

Walwalka ugu weyn ee Bulshadu muujinayso,ayaa ah musuqa Wasaarada dilooday.

Agaasimaha Guud waxuu gaar uleeyahay Isbitaal iyo Farmasi uu ku maalgaliyay dhaqaale laga musuqmaasuqay Wasaarada,sida baaris rasmi ah xaqiijisay.

Farmasiga Agaasimaha Guud waa mid Dawadiisu ka qiimo badan tahay kana jaban tahay Farmasiyaasha kale ee Magaalada,waxaana sabab u ah Dawada Deeqda ah oo loo leexiyo halkaas,sida la xaqiijiyay.

Cabdirisaaq waa Agaasime Mulkiyay Wasaarada kana tabcaday mudadii dheerayd Guryo iyo Boosas fara badan dhaqaalaheeda sida cadaymaha la hayo muujinayaan.

Doorashadii Deni waxuu ku darsaday 40.000$ oo qayb ka ahayd $700-kun oo Xasan Shire ururiyay.

Xasan Abgaal W.Maaliyada ee xiligan waxuu kasoo ahaa Wasaaradan Agaasimaha M.Maaliyada mudo dheer.

Isbitaalka Guud ee caasimada Garowe waa midka ugu liita Isbitaalada Puntland.

Jibril Qoobey.