Qoddobada ay ku heshiiyeen Kenya iyo Somaliland

Qoddobada ay ku heshiiyeen Kenya iyo Somaliland!!!

1.In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa Bisha March ee sanadka 2021, isla markaana kor loo qaado xafiiska Somaliland ee Nairobi.

2.In Diyaaradda Kenya Airways ay duulimaad toos ah ka bilowdo bisha March Somaliland.

  1. In laga bilaabo bisha March dadka reer Somaliland ay garoonada diyaaradaha ee Kenya ka heli doonaan dal-ku-galka Kenya “On arrival” sidoo kalena ka goosan karaan Internet-ka.

Madaxweynayaasha abada dal waxay isla garteen in ay is waydaarsadaan arimaha horumarinta sida…

B.Ardayda

T.Dhakhaatiirta

J.kal-kaaliyayaasha caafimaadka

X.khubarada Beeraha iyo xirfadlayaasha kale.

Waxaa xusid mudan in Muuse Biixi uu ku yimid casuumad rasmi ah oo uu udiray Madaxweyne Uhuru Kenyata.

Somaliland heshiiskan waxuu u yahay guul siyaasadeed.

Halka Dowlada Fadaraalka Somaliya uu ku yahay dharbaaxo,isla markaana uu muujinayo sida siyaasada Arimaha dibada ay ugi fashilantay Dowlada Farmaajo hogaaminayo.

Jibril Qoobey.