Farmaajihii Xil-Jaaliyadeed laga qaadi waayay miyaa mid ka sareeya in uu wareejiyo laga sugayaa?!

Farmaajihii Xil-Jaaliyadeed laga qaadi waayay miyaa mid ka sareeya in uu wareejiyo laga sugayaa?!

Maamul Jaaliyadda Soomaalidu ku lahayd magaalada Buffalo ee dalka Maraykanka ayaa sanadkii 2005 Gudoomiye u doortay Madaxweyne Farmaajo. Muddo xileedkiisu wuxuu ahaa 2 sano. August 2007 ayaa doorasho looga adkaaday Farmaajo, kaddibna wuxuu diiday in uu aqbalo natiijadii doorashada iyo in uu xilka wareejiyo isagoo marmarsiiyo ka dhigtay habraacii doorashada loo maray in uusan saxnayn. Sidaas ayaana maamulkii Jaaliyadda ku burburay.

Dhacdadaan la yaabka leh ayaa waxa iiga sheekeeyay mas’uuliyiin katirsanaa maamulkii burburay ee Jaaliyadda iyo dad kale oo goobjoog u ahaa dhacdadaan.

Haddaba, sidee nin Xil-Jaaliyadeed sidaas isugu dhejiyay doorasho xor iyo xalaal ah u qaban karaa, hadiise looga guuleysto doorashada si nabad ah xilka loogala wareegi karaa?

Wallee Soomaali mixnad iyadu lugaheeda ay ku goobatay ayaa luqunta iyo lugaha ugu maran! Allow amuuraha sahal. Aamiin.

Hon. Mahad Salad