Prof.Samatar oo dhaliilay go’aanka Villa Somaliya Ee Kenya ku wajahan

Sida dad badan oo haldoor ah una damqanaya danta guud ee Umada Somaliyed uga hor yimaadeen go’aanka Villa Somaliya ee xiriirka loogu jaray,ayaa Prof.Samatar ugu biiray haldoorkaas.

” Wax guul ah lagama gaari doono xiriir jarida Kenya sababtoo ah markaa doonaysid in gaashan samaystid waa labo mid in aad haysatid Ciidan xoog badan oo aad dalkaas iskaga difaacdid iyo in aad haysid Siyaasad dadkaagu ku midaysan yahay Soomaaliya midna ma haysato labadaas”Ayuu yiri Pro.Samatar.

Inta badan Bulshada Somalida,ayaa qaba in aysan sax ahayn in danaha Fahad Yaasiin iyo midka Beesha Madaxweynaha in danta Qaranka lagu dabakho.

Jibril Qoobey.