Gudoomiyaha G.Mudug oo si qarsoodiya ula kulmay Xoghaynta Rooble

Waa udigaynaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Nuur yare Kamas.

Waa la soconaa in aad Doraad kula shirtay Hotel Five Star Baraxley Axmed Khayre Xoghaynta Rooble oo uu kaa codsaday in aad u abaabusho 200 dhalinyaro reer Pl ah Calamana usoo dhiibto si Dadka Rooble uga hortagaya Bandiiradley ay uga qayb noqdaan.

Sidoo kale waxaa lagaa dalbaday in aad Rooble si lama filaan ah ugu keento Islaan Bashiiir.

Nabadoonada Beelaha in aad iyagana ugayso,ayaaa heshiiska lagula galay ka mid ah.

Gudoomiye kala saar Xiditinimada iyo shaqada!!!

Kala saar hankaaga Xamar iyo Gudoonkaaga Mudug ee Puntland!!

Ilaali danaha,qiyamka,masiirka Umada reer Puntland ee laguu dhaariyay!!

Madaxtooyada,Wasaarada Arimaha gudaha iyo sirdoonku waa in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Gudoomiyaha Gobolka 48-saac ee soo socota.

Rooble beri ama saadanbe midkood,ayuu imaanayaa Gaalkacyo mana qorshaysna in uu usoo gudbo dhanka Puntland.

Jibril Qoobey.