Madaxweynaha oo sagootiyay Xulka Kubada Cagta Puntland

Garoowe : 17 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta sagootiyey xulka kubadda cagta ee Puntland oo ka qeybgalaya tartanka Dowladdaha xubnaha ka ah DFS ee ka furmaya Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay ciyaartoyda Puntland inay guulo kasoo Hooyaan tartankam, oo Puntland hore ugu guuleysatay marna ay kaalinta labaad gashay.