Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland??

Garoowe : 17 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka 23-aad ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay xaaladda degmooyinka Puntland, Saameynta duufaanta GATI, Ansixinta Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda.

*Golaha ayaa ka dooday kadibna ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta ee wareejinta degmada Xaafuun, oo lagasoo wareejiyay Gobolka Karkaar lana hoosgeeyay Gobolka Bari.

*Golaha Wasiirada ayaa ka dooday oo ugu danbeyna ansixiyey Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda, oo todobaadkii hore ay Madaxtooyadu usoo gudbisay Golaha.

*Sidoo kale Goluhu wuxuu ansixiyey Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud oo todobaadkii hore Golaha loo qeybiyey, maantana laga dooday.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa warbixin looga dhegaystay Guddiga loo xil saaray saameynta ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay xeebaha Puntland, Guddiga ayaa Golaha la wadaagay warbixinta khasaaraha ka dhashay duufaanta iyo baahiyaha ka jira deegaanka si gurmad loo gaarsiiyo.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND