Wa.Arimaha gudaha oo ka hor timid xilka qaadista Gudoomiyaha Degmada Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxay cadeynaysaa in xilka qaadista Gudoomiyaha Degmada Dhahar uusan ahayn mid loomaray sifo waafaqsan qawaaniinta iyo habraacyada sharciyadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee ku xusan sharciga Law Number-7 iyo xeer hoosaadka lagu maamulo golayaasha Degmooyinka Puntland.

Sidaas darteed Wasaaradda waxay ku wargalinaysaa dhamaan inta ay warqadaan sida tooska uga socoto iyo inta ogaysiinta kulehba in go’aanka xubnaha Golaha deegaanka Degmada Dhahar ay 16 December 2020 ku sheegeen inay xilka Gudoomiyenimo kaga qaadeen Gudoomiyaha Degmada Dhahar uusan ahayn mid loomaray sifo waafaqsan qawaaniinta iyo habraacyada sharciyadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee ku xusan sharciga Law Number-7 iyo xeer hoosaadka lagu maamulo golayaasha Degmooyinka Puntland.

Ugu danbeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland waxay ku wargalinaysaa xubnaha Golaha deegaanka Degmada Dhahar inay sharciga iyo qawaaniinta ay ku dhisan yihiin ay ilaaliyaan, wixii khilaaf ahna lagu xaliyo hab dowli ah wixii go’aan masiiri ahna loomaro tubta iyo habraacyada sharci.

Fulin wacan.

=DHAMMAAD=