MADAXWEYNAHA OO DEGMADA QANDALA U MAGACAABAY GUDDOOMIYE IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEEN KU-MEEL-GAAR AH.

MADAXWEYNAHA OO DEGMADA QANDALA U MAGACAABAY GUDDOOMIYE IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEEN KU-MEEL-GAAR AH.

Garoowe: 19, December, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-62 ugu magacaabay degmada Qandala Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: In uu dhintay Guddoomiyihii Degmada, walina aysan suurto galin in la dhiso Gole Deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Qandala.
  2. Waxaa Maxamed Jaamac Muuse (Cadaysay) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Qandala.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.