Wararkii ugu danbeeyay Ee Rooble iyo Gaalkacyo

Rooble beri galab in uu ka baxo Gaalkacyo oo dib ugu laabto Xamar ayay ubadan tahay.

Madaxweyne Deni waxay ubadan tahay in uu ka baaqdo Gaalkacyo boqolkiiba todobatan.

Qaraxii shalay Ninka fuliyay ee ismaadimiyay waxuu udhashay beesha Sacad reer Hilowle.

Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay in muran ka dhex jiray maamulka Galmudug ee Baraxley iyo Ciidanka Qooje watay,iyadoo laysku qabtay sugida amniga Ra’isalwasaaraha.

Ciidan ay diyaariyeen Maamulka Baraxley,ayaa laga saaray garoonka Kubada Cagta taasoo keeni kartay fursad ay ka faa’idaysan kareen argagixisadu.

Sidoo kale Ciidanka markii danbe la wareegay amaanka garoonka Kubada Cagta ee Baraxley ee dadka baarayay waxay ahaayeen kuwo aan dadka kala aqoon.

Xogo sirdoon,ayaa markii danbe Rooble ku khasbay in uu dhanka Pl uguuro oo amaankiisa ay la wareegaan Ciidanka Puntland,iyadoo laga shakiyay Maamulka iyo Ciidankaba.

Jibril Qoobey.