Akhriso:-Qodobo hordhac ah oo laysku afgartay shirkii IGAD

Mar hadii boor isku qarintii iyo dagaal beenaadkii lasoo af jaray oo arintii kenya halkaas lagu dhameeyay waxaan sugnaa waa in shacabka runta loo sheego oo la dhaho duulaan kayagu wuxuu ahaa kismaayo!!

Qodobada hordhaca ah ee laysku afgartay goordhowna saxaafada loo qaybin doono!!

  1. In Kenya ay dhawrto madax banaanida, dhuleed, joojisana nooc kasta oo faragalin oo ay hadda kuhayso gudaha Soomaaliya, ama kujiray dacwada labada dal.
  2. In lasoo celiyo xariirka labada dal, lana hagaajiyo iyadoo lamarayo dariiqyada diblumaasiyadda.
  3. In wadajir looga wada shaqeeyo la dagaalanka Argagixisada iyo Iskaashiga Amniga ee guud.
  4. Guddi gaar ah ayaa kormeeri doona hirgalinta qodobada laga soo saaray shirka fulintooda.

Somalia waxaa si cad loogu sheegay ciidanka nabad ilaalinta ee kenya kuna jooga magaca Amisom in ay hoos yimaadan midawga Afrika.

Taas badal keedana Somaliya go’aan is keed ah aysan ka gaari karin in ay baxaan inta laga helayo ciidan Somaliya ah oo hanta amniga iyo kaalinta Amisom.

Jibril Qoobey.