Maxaa Shacabka loo sheegi doonaa hadii arinkii Kenya lasoo afjaray

Arinta kenya iyo Somaliya shirkan,ayaa lagu dhamayn waxaan ka ahayn kiiska yaala Maxkamada aduunka.

Hadii ay taasi dhacdo waxay dhabar jab siyaasadeed ku tahay xasaradii Farmaajo abuurayay isaga oo raba inuu kursiga mudo kororsi uhelo.

Balse kenya oo fahamsan dagaalkaan in uusan ahayn mid labada dalba dan u ah runtii waxay muujisay dabac sanaan iyo inaysan diyaar u ahayn waqtigan in ay dagaal lagasho Somaliya.

Taas badal keedana wax kasta wada hadal lagu dhameeyo waana tan keentay in arinta Somaliya dood macno saas uwayn ahaan waydo kadib marki Somaliya keeni wayday cadaymo cad cad oo muujinaya faragalinta kenya kuhayso Somaliya.

Kenya waxay ku dooday in aysan Somaliya faro galin kuhayn ciidanka Somaliya ku sugana ay yihiin ciidan ku jooga heshiis midawga Afrika iyo dalab kaga yimid Amisom waqtigaan la joogo majiraan wax ciidana oo ka madax banaan ciidankaas Amisom oo kenya kajooga Somaliya.