Xogta Shirka IGAD Ee Jabuti ka socday

Xogta Shirka IGAD

Shir madaxeedka 38aad ee aan caadiga aheyn oo maanta ka furmay Jabuuti, arrinta Soomaaliya iyo Kenya waxay ka ahayd qayb yar, waxaana lagu soo qaaday, xaaladda kala guurka ah ee Suudaan, heshiiska kooxaha hubeysan ee Koofurta Sudan, dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii Tigray, xaaladda xuduuda Itoobiya iyo Sudan, saameynta Covid 19 iyo ayaxa aafaynayo Geeska Afrika.

Sida muuqato arrinta Kenya iyo Soomaaliya waxaa lagu dhammeeyay shir doceed ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Warmurtiyeedka oo la filayo in maalinta berri la soo saaro waxaa la sheegayaa inay ku qoran tahay in xiriirka diblomaasiyeed la soo celiyo, Kenyana ay ixtiraamto midnimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya, lana sameeyo Guddi kormeera hirgelinta heshiiska

Ma muuqto guul diblomaasiyeed oo Madaxweyne Farmaajo ka soo hoyanayo Shirka Jabuuti, sababtoo ah ma jiro dowlad adduunka ka tirsan oo inkirsan madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya, Kenyana waxay la mid tahay dowlado badan oo deriska iyo beesha caalamka ah oo faragelin weyn ku hayo Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo waxaa la sugayaa War murtiyeedka soo bixi doona oo ah in lagu dhawaaqo in la soo celiyo xiriirkii mudada todobaadka jarnaa ee Kenya iyo Soomaaliya.