Madaxweyne Deni oo gaaray Gaalkacyo

Madaxtooyada Gaalkacyo,ayuu kusoo degay Madaxweyne Deni Saacado ka hor.

Soo dhaweyn iyo Saxaafad midna looma ogolaan imaanshaha Madaxweynaha ee Mudug.

Deni waxaa Garowe ugu yimid maalmo ka hor wafti uu horkacayo Dhagdheer,kaasoo wakiil ka ahaa Galmudug.

Dood iyo isla falanqayn kadib waxaa laysla gartay in Deni iyo Qoorqoor ay ku kulmaan Garowe ama Gaalkacyo.

Ugu danbayna Deni,ayaa soo jeediyay in uu Gaalkacyo tagayo oo halkaas lagu kulmo.

Arimaha labada Madaxweyne Deni iyo Qoor-qoor ay kawada hadli doonaan,waxaa ka mid ah…

1.Madmadow Puntland iyo Galmudug soo kala dhexgalay.

2.Xasaasiyadii ka kacday casho diidkii Rooble

3.Shirka Heritage qodobada looga hadlayo in laysla sii fahmo.

Kadib Madaxdu waxay isku raaci doonaan Garowe.

Jibril Qoobey.