Maxay tahay xaqiiqda dhabta ah ee Farmaajo ugu duulay Gedo??

Maxay tahay xaqiiqda dhabta ah ee Farmaajo ugu duulay Gedo??

Reer Gedo oo dhan waxay rabaan dowladda Jubaland marka laga reebo jifada Madaxweynaha.

90% nolosha Gedo waxay ku xiran tahay Kenya waxaana moodeysaa in aad joogto Wajeer marka aragto ganacsiga iyo isku-socodka ka dhexeeya Gedo iyo Kenya.

60% reer Gedo waxay haystaan dhalasho Kenya ah waxayna waxna kusoo barteen.

Dadku waxay aaminsan yihiin Kenya in ay tahay dhul Somaliyed oo ay wax ku leeyihiin aysan gareysan ficilada Farmaajo.

Dadku waxay aaminsan yihiin in Fahad Yaasiin wadanka u taliyo isaguna dhalasho iyo hanti intaba ku leeyahay Kenya.

Ujeedka Farmaajo Kenya ugu mashquulsan yahay waa raad gadasho uu rabo in Jifadiisa uu Hub iyo Ciidan gacanta ugu galiyo.

Farmaajo jifidiisa waxay ka yihiin Shacabka Gedo ku nool 20% ,waana laga diidan yahay.

Sidoo kale Jifida Farmaajo waxay uhanqal taagaysaa in ay Kismaayo dib ugu laabato oo markale waayihii Dooxada Jubba-na soo celiso.

Reer Diini Hub iyo Ciidan ay ku joogaan Gedo haday usuurtowdana ay Kismaayo ugu laabtaan abaabulkeeda waa hadafka Farmaajo ka duulayo!!