Tpec oo wada ansixinta Qabyo qoraalka habraaca xalinta khilaafaadka

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee (TPEC) ayaa saaka la wadaagay Dallada Bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) qabyo-qoraalka Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada si la tashi loola sameeyo.

Marka wadatashiyada qaybaha kala duwan ee Bulshadu dhamaadaan, Guddigu wuxuu ansixin doonaa Habraacaan oo noqon doona mid la dhaqan geliyo xilliga doorashada.