Shirka Garowe waa u muhiim Somaliya iyo Puntland !!

Shirka Garowe!!

Aadbuu muhiim u yahay kulanka Garowe ee ay soo qabanqaabisay Heritage.

Somaliya waxuu u yahay fursad wax lagu badbaadiyo xiligan adag ee xalka loo baahan yahay.

Puntland sharaf,miisaan iyo awood,ayuu uyahay Shirkan.

Waxaa kasoo qaybgalaya dadka u saamaynta badan Somaliya..

Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Musharaxiinta xilka Madaxweynanimo ee Fadaraalka.

Bulshada rayidka ah iyo haldoor kale.

Beesha caalamka inteeda muhiimka ah.

Sidoo kale waxaa jiri doona Shirar barbar socda kulan weynahaas.

Guud ahaan Garowe maalmaha soo socda waxay unowon doontaa meel wax lagu kala goosto galgal,xuuraamaysi iyo is dhexgal badan ka dhaco.

Waxaa la oran karaa waa madal muhiim u ah doorashada dalka ee lawada sugayo.

Jibril Qoobey.