Wasiirada Puntland oo amaro adag la dul dhigay???

Wasiirada Puntland oo amar la dul dhigay???

DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA XAFIISKA MADAXWEYNAHA.

PUNTLAND STATE OF SOMALIA OFFICE OF THE PRESIDENT

Wareeegto Lr. 07, ee 23 ka December 2020, kuna saabsan wargelin.

Ku: Dhammaan Wasaaradaha Dowladda Puntland

Ku: Dhammaan Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dowladda Puntland.

Waxaa Dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda lagu wargelinayaa:-

  1. In Masuuliyiinta kala duwan iyo Farsama-yaqaanada, aysan ka qayb geli karin shirar iyo kulamo la xiriira arrimaha awooddaha aan laga heshiin ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland.
  2. In aan la geli karin is-afgarad (MOU) ama heshiis, la xiriira awooddaha iyo shaqo qaybsiga ilaa inta laga heshiinayo nidaamka dib u eegista Dastuurka.
  3. In Masuuliyiinta kala duwan aysan ka qayb geli karin shirarka iyo doodadaha looga hadlayo Xeerarka iyo Siyaasadaha, iyadoo aan oggolaansho laga helin Madaxtooyada Dowladda Puntland.
  4. Dhammaan wada xaajoodyadda awood qaybsiga waxaa hoggaaminaya Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Tell: +252-090-7792202; E-mail: dq.oop@plstate.so ooe@plstate.so; Website: www.plstate.so;