Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka oo Garowe soo gaaray

Garoowe: 26 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Airport Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Wafuuda kala duwan ee maanta yimi Puntland iyo kuwo la filayo inay maalmaha soo socda soo gaaraan Garoowe, ayaa dhammaantood ka qeybgeli doonta Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND