Gudiga Doorashooyinka Puntland oo la kulmay InterPeace

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, xubno ka tirsan Guddiga iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga ayaa saaka kulan la yeeshay madaxa xafiiska Interpeace Soomaaliya Axmed Cabdiraxmaan iyo Muno Ducaale oo ka tirsan isla xafiiska Interpeace Soomaaliya.

Waxay ka wada hadleen labada dhinac dardargelinta shaqooyinka TPEC iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo Puntland ka qabsoonta sannadka soo socda ee 2021.

codkaaguwaaxaqaaga

codkaaguwaamustaqbalkaaga