Agaadimaha guud Waxbarashada oo markale la dhaafiyay Puntland

Agaasimaha guud ee W.Waxbarashada waxaa loo balan qaaday oo loogu yeeray kuna sugnaa Xamar Nin uqalma dhan walba.

Balse nasiib daro waxuu ku waayay booskaas beesha uu kasoo jeedo Majeerteen oo Xukuumada Farmaajo u ah bartilmaameedka.

Agaasimaha guud ee W.Waxbarashada Fadaraalka Ninka loo magacaabay waa Habargidir Cayr,waxaana toos usoo faragaliyay Rooble oo wareegtada soo saaray.

Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi waa Nin jilicsan oo aan beer bisil kala goyn karin,isagoo taagan,ayaana loo gacan dhaafay shaqadiisii.

Rooble Agaasimihii hore isaga oo aan xilka ka qaadin,ayuu mid kale si aan sharciga waafaqsanayn Kmg ugu sii magacaabay,waana markii ugu horaysay oo RW magacaabo Agaasime.

Agaasimihii hore in xilka laga qaado waa loo baahnaa oo waxuu ka mid ahaa hagardaameeyayaasha Waxbarashada Dalka.

Jibril Qoobey.