Maxaa laga bartay Sixir-bararka la buunbuunshay?

Casharka laga bartay “Sixir bararkan” la buunbuunshay oo ay Fahad iyo Farmaajo dabada ka riixayaan si ay arrimaha doorashada kaligood isaga wataan..

  1. In Puntland u baahantay inay ka fakarto sidey lacag Sharci ah oo aan si fudud loo daabici karin u samaysan lahayd (Xamar iyo koonfur xaal keedu xaalkeedu ma dhawa).

2.In xal u helida dhibka ka dhashay diidmada Sh So aan Dawladda PL kaligeed xalin karin oo ay tahay awooda dowladda dhexe ayna Iska indhatirayso DASTUURKA DALKA

3.In ay ganacsatadda reer Puntland door muhiim ah oo la taaban Karo ka qaadato abuurista sidii xalwaara loogu helilahaa dhibka jira iyo xal u helidiisaba.

4.Waxaan qarsoonayn in N&N door muuqda ku leedahay waxyaabaha dhacaya iyo banaan baxyadda rabshadaha iyo burburinta wata,iyagoo dadka qaar soo kiraysanaya qaarna caadifadooda banooni ku dheelaya si ay ugu Awr kacsadaan.

“Reer Puntland-noow Niman kuu furi doonin yuusan kuu rarin”.

Jibril Qoobey