Wararkii ugu danbeeyay Ee furitaanka Shirka Garowe

“Wararkii ugu danbeeyay Ee Shirka Garowe”

Shirkii oo maanta la filayey saddex saac in uu furmo, dib ayaa sagaal saac loogu dhigay. Arrimo farsamo awgeed.

Si aad u qurux badan ayaa loo dejiyey, loona soo dhoweeyey wufuudda.

Martiqaadyo isugu jira qado iyo casho ayaa loo kala qeybiyey wufuudda.

Sheikh Sharif ayaa galabta imaanaya…

Dadka waxaa laga qaaday covid 19 test. 23 qof ayaa ku dhacday testigii oo laga helay Xanuunka,kuwaasoo qaybna goobo gaar ah la geeyay qaybna Hoteladoodii lagu xiray.

Shirkaa waxaa looga doodayaa oo saldhigiisu yahay 2025 see Somaliya ugaari kartaa.

Afartan qodob,ayaana Ajandihiisu kusoo ururayaa…

  1. Dhameystirka Dastuurka
  2. Dib u habeynta Dhaqaalaha ( financial reform)
  3. Dib u habeynta Amniga ( security sector reform)
  4. Dib u heshiisiin ( National reconciliation plan)

4-taas qodob oo si buuxda u hirgala,ayaa looga bixi karaa KMG iyo qabyanimada Somaliya.

Jibril Qoobey.