MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO DAAH-FURAY SHIRKA HERITAGE EE GAROOWE.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO DAAH-FURAY SHIRKA HERITAGE EE GAROOWE.

Garoowe: 30 December 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa daahfuray madasha aragti wadaagga ee maxadka Heritage oo hadda Garoowe ka furmay, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horaysey ee Soomaaliya lagu qabto. Doodda shirka sanadka ayaa ku aqptonta “sidee looga bixikaraa ku-meelgaar-nimada daba-dheeraatay sanadka 2025”.

Shirka waxaa qayb ka ah Madax ka socota DFS, Madaxweynayaal hore ee Soomaaliya iyo Puntland, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwo ka tirsan Dowladdaha Xubnaha ka ah, masuuliyiin ka socda bulshada rayidka ah, culimo, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.