Sawiro:-Madaxweyne Deni oo Qado usameeyay Martida Shirka Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qado sharaf u sameeyay Madaxda DFS, Dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan Garoowe.

Qada sharafta oo ay Madaxweynaha ku weheliyeen Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka DFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS Mudane Maxamed Mursal, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxda Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Garoowe kaga qeybgalay madasha aragti-wadaaga ee Heritage.