Puntland oo ku dhawaaqday shir lagu xaliyo arimaha doorashada

Madaxweyne Deni,ayaa ku baaqay in la isugu yimaado Shir looga heshiinayo arrimaha doorashada, kaasi oo la mid ah kii Muqdisho ku qabsoomay 17-kii September 2020.

Madaxweyne Deni waxuu daaha ka qaaday in uu jiray Shir kale oo dahsoonaa oo ay wadeen isaga iyo Qoor-qoor oo bar-bar socday Kulan weynaha Heritage.

Muhiimada Shirka Heritage ee Garowe waxay ahayd in ay isku arkaan madaxda Somalida ee taladu ka go’do si ismari waaga taagan looga gudbo.

Kulamadii dadnaa muhiimkana ahaa ee socday maalmihii lasoo dhaafay xogaha laga helayo waxay sheegayaan in guul laga gaaray maalmaha soo socdana dhaqdhaqaaq wanaagsan bilaaban doono.

Puntland markale sidii ay caanka ku ahayd waxay muujisay doorkeedii curadnimo .

Jibril Qoobey.