Puntland oo ku guulaysatay qabashada shirkii muhiimka ahaa Ee Heritage

Waa soo gabagaboobay Shirkii muhiimka ahaa ee ay kasoo qaybgaleen ku dhawaad 900-ka ee qof.

Soo dhaweyn aad looga mahad celiyay,Martigalin maqsuud ka dhigay Marti sharaftii timid iyo Maamuus gobeed oo aad sareeya ayay Puntland timid.

Madaxweyne Deni hogaamin qurxoon,ayuu sameeyay mudadii Shirku socday.

Sidoo kale Gudiyadii la shaqaynayay kuwa Heritage ee Puntland,ayaa dadaal xoog badan sameeyay.

Puntland waxay soo bandhigtay awoodeeda dhan walba.

3-sano oo Jabuti ay martigalinaysay Kulankan,waxaa laysla qiray in kan Puntland uu ka miisaan iyo maqaam sareeyay kana saamayn batay.

Shirkan marka laga soo tago arimaha 2025 ee uu ku wajahnaa hadana xaalka dalka ee maanta,ayuu muhiim u ahaa doorna ka qaatay sixidiisa.

Jibril Qoobey.