Gudiga Doorashada Farmaajo oo Goldogob ka bilaabay kicin Dadweyne

Goldogob waxaa xalay soo galay Cabdiweli Qurux oo ka tirsan Gudiga Doorashada lagu muran san yahay ee Farmaajo magacawday.

Cabdiweli waa xubin Gudiga Doorashada lagu muransan yahay ka mid ah,waxaana kusoo daray Xildhibaan Cabdirashiid Daahir Gaboobe oo ku dhow Villa-da.

Ujeedka uu u yimid waa in uu beelaha abaabulo oo ay ka hor yimaadaan Dowlada Puntland iskoodna olale udiyaarsadaa.

Beri,ayuu Cadiweli Qurux shir ku qabanayaa Goldogob,kaasoo Odoyaasha Beelaha,Haweenka iyo Dhalinyarada,si ay taageero ugu muujiyaan Farmaajo iyo Gudigiisa Doorashada.

Guud ahaan Gudiga doorashada lagu muransan yahay ee Farmaajo waxaa loo kala diray Deegaamada ay kasoo kala jeedaan.

Maamulka Degmada iyo Taliska Booliska Degmada waa in ay ka hawlgalaan oo ka hor tagaan olalahaas iyo Shirarkaas.

Jibril Qoobey.