Laftagareen iyo Farmaajo oo kulan usocdo caawa

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda kulan kula leh Madaxtooyada Villa Somalia Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maanta ka soo laabtay safar uu ku maqnaa dalka Turkiga.

Ilo ku dhow dhow kulanka ka socda Madaxtooyada,ayaa sheegaya in looga hadlayo xaalada siyaasadeed gaar ahaan arrimaha cakiran ee doorashooyinka.

Wada hadalada caawa u bilowday Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed waxaa la filayaa inuu ku soo biiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo maalinta berri ku soo wajahan Muqdisho.

Jibriil qoobey