Madaxda Somalida oo yeelanaya kulan deg-deg ah oo doorashada xal looga gaarayo

Kulankii Madaxtooyada Puntland ka dhacay ee lagu gorfaynayay doorashada dalka waxuu kusoo gabagaboobay is afgarad ah in Shir layskugu yimaado.

Mahdi Guuleed oo loo xilsaaray in uu Farmaajo la xiriiro,ayaa fadhigii kusoo ceshay in Farmaajo aqbalay shirka lasoo jeediyay,balse uu codsaday in isagu soo qabto wakhtiga la kulmayo iyo meesha lagu kulmayo.

Shirkaas oo ay iskugu imaanayaan madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Madaxweynaha Fadaraalka,ayay ubadan tahay in ka dhaco Dhuusamareeb.

Cadaadis waxaa jira xoog badan oo la rabo in xal laga gaaro doorashada.

Jibril Qoobey.