Maxaa looga dooday Kulanka Amn8ga Jubaland?

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha madaxweynaha mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar qabsooma islamarkaana looga hadlo xaaladda Amniga guud ee deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee qaybta ka ah golaha Amniga, Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland, Xooga Dalka iyo kuwa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Waxaana kulanka diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhameystirka qorshaha horumarinta Amniga, Xoojinta la dagaalanka Al-Shabaab, Xoreynta Gobolka Jubbadda dhexe iyo deegaanada kale ee ka maqan gacanta Dowladda iyo sugida Amniga doorashooyinka uu dalku galayo qaybta kaga aadan Jubbaland.