Muqdisho:-Wadooyin muhiim ah oo xiran iyo wafti Shirkado Shidaal oo soo dagaya saakay

Saakay waxaa xiran Wadada u dhexeysa xarunta NISA ilaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wadadu waxay ka Xiran tahay dhanka iskool Boolisiya,waxaana xiray Ciidanka NISA.

Sidoo kale dhanka kale Madaxtooyada Villa Somaliya qeybo ka mid ah,ayaa wadada iyana laga Xirey.

Gaadiid Ciidan oo uu wato Fahad Yaasiin,ayaa ugudbay Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade.

Ujeedka Wadooyinka loo xiray,waxay tahay soo galbinta Shirkado Shidaal oo saakay heshiis lagula galayo Madaxtooyada Villa Somaliya.

Jibril Qoobey.