Saxiixa Heshiiska Shidaalka oo ay ka hor yimaadeen World Bank, IMF iyo Wasiir Beyle.

Saxiixa Heshiiska Shidaalka oo ay ka hor yimaadeen World Bank, IMF iyo Wasiir Beyle.

Soomaaliya waxaa dib u dhac weyn ku yimid Doorashadii Dalka. Kaddib markii Madaxweyne Farmaajo go’aansaday inuu boobo nidaamka Doorashada.

Dalka,ayaa ku jira xaalad adag oo siyaasadeed sidaas awgeed u baahan arrimaha masiiriga ah sida shidaalka inaan lagu deg degin.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa doonaya in uu heshiis u saxiixo laba shirkadood oo kala ah..

  1. Coastline Exploration (loo yaqaan SOMA OIL)
  2. Liberty Oil

Labadaas shirkadood midkoodna ma leh farsamo ay ku qodaan Shidaalka badda hoostiisa.

Balse waxaa Shirkadahaas u qorsheysan in ay ka sii gadaan shirkado kale Data Dalka.

Heshiiska Puntland iyo Jubbaland kama ahan qeyb waxaana si gaar ah u wata Farmaajo oo doonaya inuu kaga faa’ideysto Doorashada.

Dhinaca kale heshiiskan waxaa aad uga hor yimid Hay’adaha World Bank, IMF iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliya Beyle.

Heshiiska,ayaa umuuqda mid musuq maasuq ku saleysan kana hor imaanaya barnaamijka deyn cafinta iyo dib u dhiska Dhaqaalaha Soomaaliya.

Jibril Qoobey.