Video:-Turkiga oo Xaafiis Visa-ha bixin doona ka furay Garowe

Dowlada Turkiga,ayaa ka furatay Xaafiis shaqooyinka uu qaban doono ay ka mid yihiin Viso bixinta caasimada Dowlada Puntland ee Garowe.

Sida qorshuhu yahay bilooyin kadib Qunsuliyad buuxda ayay Turkigu ka furan doonaan Puntland.

Xaafiiskan waxuu buuxin doonaa baahiyihii dhanka Visa-ha ee shacabka Puntland ay qabeen,iyadoo hada waxii ka danbeeya ay si toos ah Visa-ga uga qaadan doonaan Garowe uguna duuli doonaan Turkiga.

Shacabka Puntland ee Caafimaadka iyo Waxbarashada u aada Turkiga,ayay culays ku ahayd tagida Xamar,taasoo hada meesha ka baxday.

Turkigu waxay soo diri doonaan wafti balaaran dhawaan,waxayna balan qaadeen in ay mashaariic uu ugu horeeyo Iskuul Boodhin ah oo laga hirgalin doono Gobolka Mudug.

Dowlada Jabuti,ayaa door weyn ka qaadatay isfahanka Turkiga iyo Puntland.

Jibril Qoobey.

Halkan ka daawo muuqaalka