Odoyaasha Mareexaan oo Farmaajo uga digay in uu Axmed Madoobe utanaasulo

Maanta waxaa la kulmay Farmaajo Ugaas Maxamed Xaashi iyo Odayaal Beesha Mareexaan ah,waxayna kala hadleen arinta Gedo iyo xildhibaanada Mareexaan ee la sheegay in la gaynayo Kismaayo.

“Kuraasta Mareexaan intii kismaayo la geyn lahaa Gedo ku wareeji Axmed Madoobe,ayay si cad ugu yiraahdeen Farmaajo Odayaashu.

Sidoo kale Odoyaashu waxay uga dacwoodeen Farmaajo Madaxweyne Qoorqoor oo ay ku eedeeyeen in uu faragalin ku hayo arimaha Gedo iyo Doorashada Xildhibaanada.

Odoyaasha uu hogaaminayay Ugaaska Mareexaan iyo Farmaajo go’aan islama qaadan mar kale ayayna la balameen.

Jibril Qoobey.