XEERKA ANSHAXA EE MURASHAXIINTA BAARLAMAANKA FEDERALKA SOOMAALIYA

XEERKA ANSHAXA EE MURASHAXIINTA BAARLAMAANKA FEDERALKA SOOMAALIYA

lnta lagu guda jiro geedi-socodka doorashada, murashax kasta oo u tartamaya kursi baarlamaan waa inuu ilaaliyaa, dhowraana dhamaan habraacyada, xeerarka iyo shuruucda doorashada 2020/2021, si loo xaqiijiyo horumarinta jawi fududaynaya inay qabsoomaan doorashooyinka 2020/2021 si xor ah oo xalaal ah.

Xeerkaan wuxuu saldhig u yahay geedi-socodka doorashada, wuxuuna hagayaan hawlaha ay qabanayaan

Murashaxiinta inta lagu guda jiro geedi-socodka oo dhan, min billow ilaa dhamaad, oo ay ka midyihiin

Diiwaan-gelinta murashaxiinta, ololaha siyaasadeed, codaynta, tirinta codadka, go’aan ka gaarista cabashooyinka, iyo ku dhawaaqidda natiijooyinka doorashada. Dhammaan murashaxiintu waa inay u hogaansamaan qodobada hoos ku xusan iyagoo adeegsanaya garaadkooda iyo niyad wanaag. Qodobada;

Waxaan u hogaansamayaa Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, iyo dhammaan xeerarka, awaamirta, habraacyada iyo xeerarka loo dejiyay qabashada geedi-socodka doorashada 2020/2021, waxaana si buuxda ugu hogaansamayaa una fulinayaa dhamaan h abraacydaas iyo xeerarkaas.

Waxaan qof kasta ula dhaqmayaa si sharaf iyo qadarin ku dheehantahay, oo aan u eegeynin jinsiga, da’da, naafanimada, asalka bulsho ama xaaladda shakhsi.

Waxaan ka fogaanayaa inaan cu lays saaro odayaal-dhaqameedka, xubnaha bulshada rayidka, xubnaha ergada doorashada, hawl-wadeenada doorashada, xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka, murashaxiinta kale, xildhibaanada la doortay, warbaahinta, ururada bulshada iyo goobjoogayaasha kale ee kormeeraya geedi socodka.

Waxaan ixtiraamayaa dowrka, xeerarka iyo shuruucda ay soo saaraan hay’adaha hirgelinaya doorshada, oo uu ka mid yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka, mana faragelin doono hawlaha rasmiga ah ee ay qabanayaan hawl wadeenadooda, mana carqaladayn doono geedi-socodka doorashada;

Waxaan si daacadnimo ku jirto oo daah-furan ula dhaqmayaa goobjoogayaasha, ergada, murashaxiinta, iyo xubnaha saxaafadda ama warbaahinta anigoo ku tixgelinaya waajibaadkooda.

Waxaan ka fogaanayaa inaan gacan ku yeesho dhaqan kasta oo ku lug yeelanaya sandullayn, cabsi gelin, cadaadis ama musuqmaasuq inta lagu guda jiro geedi-socodka doorasho ee 2020/2021, waxaana gacan ka geysan doonaa sidii looga hortagi lahaa ama loo joojin lahaa dhaqamada noocaas oo kale ah.

Waxaan ka fogaanayaa in aan ku lug yeesho laaluush ama iibsasho cod, oo ay ka mid ta hay dhaqaale-bixin dadban.

Waxaan ixtiraamayaa in dhammaan kormeerayaasha la aqoonsanyahay, warbaahinta iyo xubnaha saxaafadda, iyo weliba wakiilada murashaxiinta, ay si xor ah ku gaaraan lana socdaan/kormeeraan geedi- socodka, sida ku cad shuruucda, tilmaamaha iyo habraacyada.

Waxaan ixtiraamayaa qarsoodinimada cod-bixinta iyo dhex-dhexaadnimada hanaanka codbixinta iyo cod- tirinta.

Waana fahamsanahay in wakiiladayda ay xaq u leeyihiin la socodka geedi-socodyadan, si waafaqsan habraacyada doorashada 2020/2021.

Waan aqriyay, waana fahamsanahay, waana u hogaansamayaa qodobada kor ku xusan:


Magaca Taariikhda

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) – Muqdisho, Soomaaliya Website: www.doorashada2021.so Email: Info@doorashada2021.so