FAALLO:-Lacagtan waxa qiimaha ka qaaday ma is waydiiseen??

Lacagtan maxaa qiimaha ka qaaday ma is waydiiseen??

Horta maamulkeeda,wax ka badalkeeda iyo jaangoynteeda Dowlada Dhexe,ayaa leh oo awoodaha Afarta ah ayay ka mid tahay ee qabsada!!

Puntland Dowladeedu way dadaashay oo waxay isku dayday in ay xakamayso.

Joojinta Sh.S. ee Dekeda waxay qayb ka ahayd xakamaynta sicirka,maadaama ay samaysmeen ganacsato lacagta ka baayac mushtareeya.

Tusaale”

Dekedaha Somaliya mida kaliya ee Sh.S laga qaato waxay ahayd tan Bosaso,taasi waxay sababtay in qof walba oo Sh.S. haystaa Bosaso usoo qaato si uu dolar ugu badasho.

Ganacsatada Puntland oo fursadaas ka faa’idaysanaysa waxay bilaabeen in ay baayac mushtar ka dhex abuuraan xoog badan.

Qofka wata boqol Malyan oo dolar ku raba waxay uga qaadanayaan 100$ Shan Milyan,hadhowna Dowlada ayay canshuur ugu xaraynayaan,iyagoo ku siinaya 3-Milyan.

Sababtaas waxay keentay in sarifku kaco,balse Dowladu aadbay ula tacaashay,xalka rasmiga ahna waa in iyadoo dhan dalka laga badalo lana maamulo.

Puntland dhibka haystaa waxuu yahay,maleh Wasiir maleh Agaasime guud,maleh Afhayeen,Maleh Gudoomiye Bank,dadka qancin kara,runta fahansiin kara oo jihayn kara.

Caruurteedii,ayaa loo isticmaalayaa,iyadoo muujisay dadaalkii ugu sareeyay.

Jibril Qoobey.