Muxuu yahay qorshaha Nabar iyo Naxdin Ee Doorashada ??

Rooble waa Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Farmaajo!!

Qoor-qoorna waa Gudoomiyaha Gudiga Olalaha Farmaajo!!

Qorshaha ay dajisteen Nabar iyo Naxdin waxuu yahay sida tan…

1.In Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland lagu soo xulo Xamar sida kuwa Somaliland.

2.In Dhuusamareeb iyo Jowhar fawdo laga sameeyo.

Kadib doorasho sidaa lagu galo oo dib loogu doorto Farmaajo.

Dowladaha Itoobiya,Eretereya iyo Qadar ay aqoonsadaan doorashadaas iyo natiijada kasoo baxda kana caawiyaan Farmaajo in beesha caalamka laga dhaadhiciyo ictiraafka Madaxweynanimadiisa.

Qorshaha kale ee Nabar iyo Naxdin ay wataan waa sida tan…

Hadii isku dayadan ay umuuqdan kuwo aan socon karin oo si weyn looga hor yimaado.

Farmaajo waxuu toos ula hadli doonaa Deni waxuuna usheegi doonaa in uu tanaasulay diyaarna uyahay kulan.

Ujeedka Farmaajo waa in uu isku muujiyo halyeey utanaasulay danta dalka shacabka caadiga ahna dhagahoodana lagu shubto,halkaasna uu ka qaato doorkii iyo sumcadii uu Qoor-qoor heli lahaa.

Jibril Qoobey.